“Maalmaha Debbaal Degga Qaran Waxaanu ka Digaynaa in Gaadiidka si Qaldan loogu Debbaal-dego” Agaasimaha Gaadiid
Hargeysa (Xogsoornews.com): Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland Axmed Muxumed Cabdi, ayaa digniin adag u diray dhalinyarada maalmaha debbaal degga sida qaldan gaadiidka ugu debbaal dega ama iyagoo koox ah baabuurta iyagoo ka lusha wadooyinka ku mara.
Agaasimuhu waxa uu intaasi ku daray in masuuliyadda koobaad ay saaran tahay darawalka gaadhiga wada, isla markaana uu masuul ka yahay wadaha gaadhiga wadaa badbaadada dadka gaadhiga saaran, kuwa jidadka maraya iyo gaadiidka ay waddada wadaagaayaan ba.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland Axmed Muxumed Cabdi, waxa uu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu siiyay wargeyska Dawan. Waxaana hadalladiisi ka mid ahaa “Maalmaha dabbaal degga qaran waxaa dhacda in dhallinyaradu si qaldan gaadiidka iskaga dul buuxiyaan oo iyaga oo baabuurta ka lusha ay waddooyinka habeenkii iyo maalintiiba ay ku debbaal degaan.”
Agaasimaha guud waxa uu sheegay in maalmaha xuska qaran aanay ahayn in cidi inagaga dhimato, waxaanu yidhi “Maaha maalmaha xuska qaran in ay nafo inagaga baxaan baabuur si qaldan la isaga buux dhaafiyay, waxaad arkaysaa tagsi korka laga fuulay oo laga lusho oo xawaare xoog ahna ku socda. “
Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in tallaabo laga qaadi-doono ciddii lagu qabto falalka noocaas ah, waxaanu yidhi “Sidaa darteed wasaaraddu amar ayay ka soo saartay arrintaas, ciqaabta koobaadna waxaa maraya darawalka lagu qabto gaadhiga uu wado oo si qaldan loo fuushan yahay. Waxaa kale oo tallaabo laga qaadayaa dhallinyarada siyaabaha qaldan uga lusha baabuuta.”
Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horuminta jidadka Somaliland waxa uu intaasi ku daray in wadeyaasha dhallinyarada ah ee maalmaha debbaaldegga baabuurtu haddii ay u hoggaansami waayaan amarka wasaaradda gaadiidka in tallaabo laga qaadayo gaadiidka sida qaldan dhallinyaradu isaga sooo buux dhaafiyaan.
Agaasimuhu waxa kale oo uu digniin adag u diray wadayaasha booyadaha oo xawaare sare ku socda markasta isla markaana gaysta xiliyo kala duwan qasaare naf iyo maalba leh. Waxaanu faray in ay gutaan masuuliyadda ka saaran badbaadada nafta iyo hantida ay waddooyinka wadaagaan, isaga oo intaa ku daray in laydhadhka dheeraadka ah ee booyadaha iyo gaadiidka kaleba lagu kordhiyay in ay mamnuuc yihiiin oo ay amar ka soo saartay wasaaraddu, isla markaana aan la arki karin gaadiid laydh lagu kordhiyay oo socda.
Geestaa kale waxaa uu caddeeyay in amarkii lagu soo rogay in aan dalka Somaliland la keeni karin basaska dhanka qaldan ku leh albaabka In amarkaa hore uga soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland uu si wanaagsan u fulay, gaadiidkaa dhanka qaldan albaabka ku lihina aanay dalka ka soo degin sidii loo joojiyay.