Hargeysa(Xogsoornews.com);-Wasiirka Arrimàha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Md. Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in aanay jirin wax ay dawladda fashilantay ee Soomaaliya ku hor istaagi karto aqoonsiga u soo socda Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibaddu wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay degelka X (Twitter), islamarkaana uu soo gaadhsiiyay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu kaga jawaabayay warqada madaxweynaha Soomaaliya uu ku sheegay in aanu dekado aanu xukumin ku wareejin doono Maraykanka.
Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ku sifeeyay hadalka Soomaaliya “iskuday quus ah” oo ka yimid dawlad fashilantay.
“Tani waa isku day quus ah oo khaldan oo ka yimid dowlad fashilantay oo Soomaaliya ah,” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, waxaannu intaas ku daray; “Waa calaamad muujinaysa nidaam musuqmaasuq ah oo gabogabo maraya oo ku foogan iskuday ismiidaamin ah.”
Wasiirku wuxuu carabaabay in aanay jirin wax Soomaaliya ay ka qaban karto aqoonsiga u soo socda Jamhuuriyadda Somaliland.