Hargeysa(Xogsoornews.com);-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan bakaal ayaa ka hadlay is-afgaradkii MOU ee Xukuumaddii Kulmiye ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sannadkii hore ay la gashay dawladda Federaalka Itoobiya.
Heshiiskaas oo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Raysal-wasaare Aby Axmed ku kala saxeexdeen Addis-ababa in Somaliland iyo Itoobiya ay isku fahmeen in Itoobiya bad laga kireeyo isla markaan ay Itoobiya aqoonsato Madaxbanaanida Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland ayaa tilmaamay in aanay illaa hadda jirin meel ay Itoobiya ku tidhi Somaliland ayaan aqoonsanaynaa oo ay ka xukuumad ahaan hayaan.
waxaanu intaa raaciyay in isfahamkii MOU ee Xukuumaddii Madaxweyne Muuse Biixi dhankeeda oo keliya uun laga maqlay Itoobiya ayaa ina aqoonsanaysa.
waxaa kale oo uu sheegay in markasta ay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyo doonista aqoonsiga Somaliland
\Xukuumaddii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa marar badan ku dooday in ay keenttay Aqoonsgii Somaliland isla markaana dawladda Federaalka Itoobiya deg deg u aqoonsanaysao Somaliland gashay Dawlada Itoobiya.