Xukuumadda Somaliland oo si Afag u Cambaaraysay Xsuuq Ciidanka Liyuu Boolisku ka Geystay Dawacay
Hargeysa(Xogsoornews.com):-Xukuumadda Somaliland,ayaa si adag u cambaaraysay xasuuq ba,an oo ciidamada liyuu booliska ee dawlad eegaanka Soomaalida Itoobiya ay ka gaysteen deegaanka Dacalay.
Waxaanay Xukuumadda Somaliland sheegtay in arrinkaa ay ka wada hadleen oo ay gaadhsiisay dawladda Federaalka Itoobiya isla markaana ay is aarki doonaan berri.
War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga gudaha Somaliland oo Xukuumadda Somaliland kaga hadashay dagaal dad shacab ah lagu laayay maanta deegaanka dacawalay isla markaana xubno madaxdhaqameed ah oo ka soo jeeda Somaliland oo degaankaas u tegay nabadyabn lagu afduubay,aya au dhignaa sidan.
“Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hannaanka Dawladnimo.
Dhinaca kale Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad.
Wasiirka Amniga Gudaha JSL waxaa uu si xoog leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Degaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay la xidhiidhay Dawladda Federaalka Itoobiya oo xidhiidh Nabadgelyo iyo mid siyaasadeedba ka dhexeeyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku wargelisay arrinta ka dhacday Degaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, iyadoo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya maalinta beri(manta) wada hadal ku dhex mari doono Xadka labada Dawladood.”