Cisbitaalka Guud oo ka Hadlay Baadhis ay ku Samaynayeen dhimashada laba Marxuum

0
9

Hargeysa(Xogsoornews.com)Cisbitaalka guud er Hargeysa?ayaa soo saaray natiijada naadhitaan laba marxuum oo dhasaan maydkooda laga helay gaadhi

War qoraal ah oo ka soo baxay Cisbitaalka guud ee Hargeysa ,ayaa u dhignaa sidan.“Waxaan ku samaynay baadhid dhamaystiran labada marxuun. Waxaan baadhitaan ku samaynay dheecaannada jidhkooda waanu ka waynay wax mukhaarad ah iyo wax sheegaya sun jidhka diba ka soo gashay oo la xidhiidha cunto ama dawo ay qaateen ama biyo ay cabeen, taana waanu ka waynay labada marxuun.

Dhimashada labada marxuun kala ah Xamse Axmed Yuusuf iyo Huda Axmed Sh Faarax waxaa sabab u ahayd maaddada la yidhaahdo carbon monoxide oo ka soo baxday gaadhigii ay saarnaayeen. Gaadhigaas oo ka dalooolay qaybta hoose, gaasta la yidhaahdo carbon monoxide waa gaas bani’aadamka disha, hawadeedu ur malaha. Qiiq malaha, muddo yar ay qofka ku dishaa, gaastaasu waa 5 daqiiqo ilaa 10 daqiiqo. Gaadhigii markaan dul tagnay waxaan ogaanay inuu jiro dalool gaadhiga ah, gaastuna halkaas ka soo baxday.”