Caynaba(Xogsoornews.com);-Xoghayana dawladda hoose ee degmada Caynaba Cumar Maxamuud Muuse,ayaa ka hadlay hooyo laba caruur ah dhashsy oo si fool xun loo dilay isla markaana maydkeeda la jarjaray laguna kala riday ceel biyood iyo Berked.
Waxaanu intaa raaciyay in gabadha loo hayo oo uu dilkeeda ku eedsysan yahay ssygeedi oo ay u lahad laba carruur ah.
Waxaanu sheegay in baadi doon lagu soo helay maydka marduumadda oo laba qaybood midna meel uu ku qariyay dilaagu.waxzanu yidhi Xoghaye Cumar.”Maydka marxuumada intaan la helin waxaa ka horaysay baadidoon gabadha lagu raadiyay markii la waayay,qosyku wuxuu ahaa reer miyi gabadh duruuf miyi oo iska rafaadsan marka horeba kunool ayay ahayd markii gabadha la waydiiysy ee uu yidhi way maqan tahay ayuu tuhunku soo baxay basdidoonkina waxaa lagu soo helay maydkii Marxuumadda oo qaybna uu berked ku riyday qaybna uu ceel ku riday.”
Waxaanu intaa ku daray Xoghaye Cumar in kiiskaa dilka ah ay u xidhan yihiin ninka marxuumada qabay iyo walaalkii.