Hargeysa(Xogsoornews.com):-Musharaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdaahi Cirro,ayaa ka hadlay geerida Madaxweynihi afraad ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday Hargeysa.
Musharax Dr Cirro ayaa guud ahaan qaranka Somaliland ka tacsiyeeyay Geerida Siilaanyo Marxuumkana ku sifeeyay tiir wayn oo qaranka ka baxay.waxaanu ugu marag furay hoggaamiye dal dhis ah isku hayn bulsheed leh oo ahaa damal la hadhsado.dulqaad badan oo tanaasul leh oo dad dhegaysi leh cafis leh oo tudhaale badnaa.
Musharax Dr Cirro ayaa isla markii warka geerida la maqlay inyar ka dib ba tegay guriga Marxuumka.