Hargeysa (Xogsoornews.com)-Shirkadda Dahabshiil ayaa ka hadashay collaada kasoo cusboonaatay deegaamada Gobollada Bariga Somaliland, qoraal koobban oo shirkaddu soo saartay waxay ugu baaqayday labada dhinac ee walaalaha ah inay dagaalka joojiyaan.
Shirkadda Dahabshiil waxay ugu baaqaysaa labada dhinac ee walaalaha ah ee is dhalay, xidid iyo xigaal ah, isla markaasna ku nool goobo aan kala fogayn (Buuhoodle iyo Qoru-lugud iwm) in ay xabadda iyo Dagaalka joojiyaan labada dhinac-ba si degdeg ah, ayaa lagu yidhi, qoraalka shirkadda Dahabshiil Group. .
“Xabad wiil iyo gabadhi toona kuma dhashaan ee way ku dhintaan.” ayaa lasii raciyay. qoraalka.
Sidaa awgeed, shirkaddu waxay baaqeeda ku tidhi, “Dhammaan qof walba oo xil haya dhammaan ciddii masuuliyad haysa oo ay ku jiraan kuwa xilka dhaqan, Ganacsatada iyo cullumo, waxaannu si xushmad iyo damqasho leh uga codsanaynaa in laga shaqeeyo nabadda oo ay doorkooda qaataan.”