Xisbiyo, Urruro iyo Masuuliyiin Ku Xad-gudbay Hannaanka Ololaha Doorashada oo la Ganaaxay

0
38

Hargeysa((Xogsoornews.com):-Xisbiyo, Urruro iyo Masuuliyiin Ku Xad-gudbay Hannaanka Ololaha Doorashada oo la Ganaaxa

Guddida anshaxa, xalinta khilaafaadka iyo kormeerka Doorashooyinka ayaa ganaaxyo kala duwan ku riday qaar ka mid ah xisbiyada, ururrada iyo siyaasiyiin ka mid ah xisbiga Kulmiye, kadib markii ay ku xad gudbeen xeerka anshaxa Doorashooyinka, wareegii koowaad ee ololaha, oo soo bilaabmay 19-kii bishan October.
Xisbiyada iyo Urrurada la ganaaxay ayaa kala ah Kulmiye, Waddani, Kaah iyo xubno siyaasyiin ah oo ay ka mid yihii wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirisaaq Faarax Muuse, Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bille, xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar, gudoomiyaha guddida ololaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Maroodi Jeex Mustafe Qodax iyo Xildhibaan Maxamed Abiib Cisbmaan Siikaawi oo ka mid ah golaha deegaanka Hargaysa.
Xubnaha guddida anshaxa doorashooyinka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargaysa ayaa waxa xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ka joojiyeen isu soo baxyadii la qabanayay Habiinkii, waxaanay hakaasi kaga dhawaaqeen ganaaxyo kala duwan oo ay saareen masuuliyiinta iyo xibiyada.
Guddidu waxay ganaax lacageed dul saareen Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bille kaasi oo lagu xukmay ganaax lacageed oo dhan (20,000000) Milyan SL Shilling kaasi xisbiga Kulmiye u furay in ay ku ololeeyaan Khayriyada magaalada Hargeysa, halka xisbiyada kale na loo diiday habeenkoodii.
Waxa ay Guddida anshaxa xalinta khilaafaadka iyo kormeerka doorashooyinka ayaa go,aamiyeen ganaax lacageed oo kala ah xisbiga Kulmiye (100,000000) milyan oo shillinka Somaliland ah, xisbiga Wadani (50,000000) milyan oo shillinka Somaliland ah, Ururka Kaah (50,000000) milyan oo shillinka Somaliland ah, ganaaxaas oo ay ku bixinayaan muddo Saddex maalmood.
Ganaaxyada ay dul saareen guddida anshaxa komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa wax ka badelay hab dhaqankii xisbiyada iyo ururrada siyaasadda ee dhinaca ololaha waxaanay intaasi kadib u muuqdeen kuwo u hogaansan habraacyada guddida.
Mar kale taariikhdu marka ay ahayd 26-kii bishan October gudidda Anshaxa komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa ganaax lacageed dul dhigay Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye kuwaasi oo kala ah Wasiir Cabdirisaaq Muuse Faarax waxa la ganaaxay (10,000000) milyan oo shilinka Somaliland ah, Faysal madar, Xoghayaha kulmiye waxa lagu ganaaxay (5,000000) milyan oo shilinka Somaliland ah, Mustafe Qodax, madax ollolaha gobolka maroodi jeex ee Kulmiye waxa lagu ganaaxay (5,000000) milyan oo shilinka Somaliland ah, Xildhibaan Maxamed Abiib Cismaan Siikaawi oo ka mid ah golaha deegaanka Hargaysa ayaa waxa lagu ganaaxay (5,000000) milyan oo shilinka Somaliland ah.
Guddidu anshaxa iyo xalinta Khilaafaadka iyo kormeerka Doorashooyinka dalka ayaa waxay sheegeen in mas’uuliyiintan laga soo gudbiya dacwado, taasi oo ay ku mutaysteen ganaaxan lacageed.
Guddidu anshaxu waxa ay mar labaad uga digeen in xisbiyada iyo Ururrada Siyaasaddu ay Olole ka dhigaan magaalada Ceel-afweyn.
Jamhuuriyadda Somaliland wax aka bilaabmay wareegii labaad ee ololaha Doorashooyinka dalka kaasi oo ururrada u noqonaya wareegii u danbeeyay ee ololahooda balse xisbiyada Qaranka ay u hadhayso wareeg kale oo sadexdooda ah.
Guddida anshaxa, xalinta khilaafaadka iyo kormeerka Doorashooyinku waxa ay ololaha doorashada ku hagayaan hanaanka iyo habraacyada Doorashooyinka waxaanay la socdaan tallaabo kasta oo ka hor imanaysa hanaanka doorashada, waxaanay ganaax dul dhigayaan Xisbi iyo urrur kasta oo ka tallaabsada nidaamka ololaha doorashada.