Hargeysa(Xogsoornews.com):- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa aqbalay gamaaxa lagu riday ee ay ku ganaaxeen gudida anshaxa iiyo xallinta khlaafaadka doorashada Somaliland oo maanta ku riday Ganaax lacageed oo dhan 10 Milyan.
Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarji oo waraysi kooban teleefanka ku siiyay Xogsoornews,ayaa sheegay in ay u hoggaansanyihiin dhamaan ganaaxa iyo awaamiitta ka soo baxda gudida anshaxa iyo komishanka doorashooyinka.waxaanu ballan qaaday ka xisbi Waddani ahaan in ay u hoggaansamayaan.
Waxaa kale oo uu u mahad celiyay guud ahaan shacbiga Somaliland siday maanta u .muujiyeen cudooda taageero ee ay u hayaan Xisbiga Waddani.
Waxaanu intaa ku daray in ay taasi caddaynayso in ay bulshadu cadaysay in ay isbedel diyaar u yihiin.
“Waanu aqbalay ganaaxa iyo dhamaan awaamiirta ka soo baxda gudida anshaxa iyo komishanka doorashooyinka waanan u hoggaan samaynaa markasta.”
Guddoomiye Xamarji oo u mahad naqayay guud ahaan bulshada Somaliland ee maalinta kaltanka ololaha xisbiga waddani isugu soo baxay gobolada iyo degmooyinka dalka,ayaa yidhi. “Guud ahaan waxaan si wayn ugu mahad naqayaa bulsho waynta Somaliland oo si wayn isugu soo baxay ee muujiyay cududooda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin isbedel iyo in ay doortaan xisbiga Waddani iyo Dr Cabdiraxaan Cirro,ayaa yidhi.”Guud ahaan waxaan u mahad naqayaa oo aan bogaadinayaa bulshada reer Somaliland ee isugu soo baxay gobolada iyo degmooyinka dalka waxaanay maanta muujiyeen siday ay bulshada Somaliland diyaarka ugu tahay in dalka isbedel la dhoco oo ay doortaan xisbiga Waddani iyo musharixiintiisa.waxaanay taasi caddaynaysaa in umaddu ka guurtay Kulmiye oo bulshadu ay diyaar u tahay in ay bedesho.”