W/wararka (Xogsoornews.com):-sra’il ayaa sheegtay in ay aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah weerar cirka ah ku qaadday saldhigyo millatari oo ay ku yaalla dalka Iran, weerarkaas oo ay sheegtay in ay kaga aargudaneyso duqeymihi cuslaa ee ay Iran ku garaacday Isra’il horraanti bishan October.
Weerarka ay Isra’il subaxnimadii hore ee Saaka waabarigi ay ku ku qaadday Iran ayaa ka dhigan tallaabadi u danbeysay ee colaadda sii xumaneysa ee ka aloosan Bariga Dhexe,
weerarka ay Israa iil ku qaaday Iran oo ay sheegatay Israa iil in ay goobo millatari oo muhiim ah ay ku beegsatay ayay dheegtay in ay ku duqaysay saldhigo millatari oo ay leeyihiin ciidsmada kacaanka Iran.
weerarka Issaaiil Iran ku qaadat ayaa la sheegay in ay ka qayb qaateen illaa 100 diyaaradood oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee F35.
Geesta kale warbaahinta dawladda Iran ayaa sheegtay in weerarka jarmaadaha ah ee lagu soo qaaday oo ka dhacay caasimadda Tahraan in aanu waxba ka bedelin noloshs caasimadda Iran
Ma jio war rasmi ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay Iran oo ku saabsan weerarkan, hase yeeshee, warbaahinta Iranayaa ku warrantay in laba hir oo qaraxyo aad u waaweyn lag maqlay muddo ku siman laba saacadood gudaha caasimadda Tehran iyo hareeraheeda, gaar ah