“Dil Toogasho ah ayaa la iigu Hanjabay Haddaan WADDANI ka Bixi Waayo.”Suldaan Cabdiwahaab Suldaan Cumar

0
48

Hargeysa(Xogsoornews.com)Suldaan Cabdiwahaab Suldaan Cumar Taraydh,ayaa sheegay in masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi in ay dil toogasho ah ugu hanjabeen haddii uu ka bixi waayo Xisbiga Waddani.

Waxaa kale oo uu ka hadlay dad aanu magacaabin oo uu sheegay in ay doonayaan in ay dadka kaadhadhka ka uruursadaan oo lacag ku baayacaya.

Geesta kale Suldaan Cabdiwahaab waxa uu hambalyeeyay go,aan ka soo baxay beesha Habarjeclo oo taageertay Musharax Cirro.

Hadalka Suldaanka oo muuqaal ah halkan ka daawo.