Xildhibaan Eng Sidiiq oo ka Hadlay Mawqifka isaga iyo Taageerayaashiisa Doorashooyinka isku Sidkan’Farriin na u Diray Xisbiyada iyo Ururada Tartamaya
Hargeysa(Xogsoornews):-Eng Sidiiq Xasan Cali Kaahin oo ka mid ahaa musharixiintii golaha deegaanka caasimadda Hargeysa u tartamay oo ka sharaxnaa xisbiga UCID isla markaana ku hadhay doorashadii goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 2021 kii,ayaa ka hadlay mawqifkiisa doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururada ee isku sidkan isaga iyo taageerayaashiisu halka ay marayaan ee cududooda taageero ay isku garab taagayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururada ee u muddaysan in ay dalka ka qabsoomaan Nofember sanadkan.
Waxaa kale oo uu ka hadlay in tartanka doorashadu yahay mid xanuunkiisa iyo xamaasadiisaba leh laakiin loo baahan yahay in tartan dalka iyo dadka u dan ah in la galo oo aan umadda lagu kala kaxayan ama lagu kala fogayn bulshada danta qudha ee Somaliland wadaagta.
Waxaanu tusaale usoo qaatay doorashadii goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay in ay ku hadheen ama ay dheceen tirade goleyaasha deegaanka degmooyinka inoo fadhida labadeed oo u sharaxnaaa goleyaasha deegaanka halka ay golaha waiiladana hadheen 164 musharax oo tartanka ka qayb galay haddana aan wax cunfiya oo dalka iyo dadka midna dhib ku ahi aanu ka iman.
Waxaanu xusay in ay hadda tartamayaan 7 urur iyo saddex xisbi oo laga doonayao in ay saddex soo baxaan 7.na ay hadhaan waxaanu ugu baaqay in ay xamil u yeeshaan guusha iyo guul darada labadaba.
Geesta kale waxaa uu ka hadlay in uu waayo arag ku yahay doorashooyinka iyo is abaabulka iyo kaambaynka waxna ka soo bartay doorashadii u uku hadhay imikana uu haysto taageerayaashiisii oo isku duuban isla markaana uu wax wayn kusoo kordhin doono halka ay maraan isaga iyo taageerayaashiisu ee ay codkooda oo midaysan ay ku biiriyaan.