Hargeysa(Xogsoornews.com):- munaasibad lagu soo bandhigayay barnaamijka siyaasadeed ee xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE waxaa hadal ka jeediyya wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland ahna musharaxa jagada Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxaanu ku eedeeyay Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI in uu dalka gudihiisa dagaal ka wado.
waxaanu intaa ku daray in Xisbiga WADDANI uu dalka keenay Cabdirisaaq Khaliif oo ahaa guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada.
habbada Wasiir Saajin waxaan u sheegayaa in Cabdirisaaq Khaliif uu ahaa hantiile iyo ganacsade soo maalgashaday Xisbiga KULMIYE isla markaana tiir dhexaad u ahaa Soo bixidii xisbiga kulmiye iyo ku guulaysigii jagada Madaxtinimada xiligii doorashadii uu ku guulaystay Madaxweyne Siilaanyo.
waxaanu ka mid ahaa liiskii ugu horreeyay ee golaha wasiirada xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo oo uu ka soo noqday wasiirada ganacsiga iyo Hawlaha guud.
haddaba Saajin waxaan leeyahay kursiga ganacsiga ee aad ku fadhido ayuu Cabdirisaaq khaliif wasiir ka haaa isagoo KULMIYE AH.
markaa xiliguu kulmiye ahaa hadaanad dalka waxba ka ogayn Cabdirisaaq Khaliif waa raggii Kulmiye xisbinimadana usoo saaray isla markaana ka mid ahaa liiskii ugu horreeyay ee golihii wasiirada ee xukuumadii Siilaanyo.
haddaba wasiir Saajinoow waxba WADDANi haku xajiimayn raggii KULMIYE soo ahaa ee siyaasad xumaanta KULMIYE xisbiga uga tegay waddani oon jirin ayuu kulmiye ahaa dalkana joogay waddanina dalka ma keenin kamana kaxayn ee waa KULMIYIHII aad kasban waydeen ee waddani ku biiray ayuun buu ka mid ahaa.
Xisbiga waddanina wuxuu u taagan yahay midnimada Somaliand iyo isu keenista bulshada aad kulmiyoow kala kaxayseen.
Xasan Muuse Axmed