Madaxweynaha Kenya oo Muddahaaradii dalkaa ka dhacay ku Eedeeyay Hay’ad Fadhigeedu Yahay Maraykanka

0
99

 

Nayroobi(Xogsoornews);- Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku eedeeyay hay’adda aan dowliga ahayn ee Ford Foundation ee fadhigeedu yahay Maraykanka inay maalgeliyeen dibadbaxyadii ay dhawaan dhigeen dhallinyarada dalka.

“Waxaan rabaa inaan weydiiyo dadka Ford Foundation deeqaha ay bixiyaan si ay u maalgeliyaan fowdada, Maxaa faa’iido ah ayaa looga jeedaa? waxaa sidaasi yidhi Ruto xilli uu ka qeyb galayay ” isu soo bax nabadeed” oo ka dhacay badhtamaha ismaamulka Nakuru.

Dibadbaxayaasha dhalinyarada ah ayaa dalbanayay in aan la meelmarin miisaanayada 2024 oo ay sheegeen in ay ku jireen canshuuro kordhin aad u sareysa. Madaxwaynaha yaa diiday in uu saxiixo hindisa sharciyeedkaasi isalamarkana kala diray golihisa wasiirada.