Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland oo Farriin adag u Diray Guddoomiye Faratoon

0
112

Hargeysa(Xogsoornews.com) Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa farriin adag u diray guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ka dib markii uu sheegay in laga qariyay warqad ka timi xeer illaaliya guud ee qaranka oo ku socotay shir guddoonka isla rakaana xeer illaalintu ku codsatay maamuus ka xayuubin lagu sameeyo  Xildhibaan Maxamed Abiib.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa guddoomiyihiisa ku eedeeyay in uu sharciyada baal maray isla markaan waraaq shir guddoonka ku socotay oo uu taladeeda la leeyahay in  guddoomiyuhu ka qariyay una gudbiyay gudida joogtada ah ee golaha wakiilada oo aan sharciyan sida uu sheega aan awood u lahay.

haddaba halkan ka daawo Cali Xaamud oo maanta arrimahaa ka hadlayay.

 

Xogsoornews.com