Berbera(Xogsoornews):- Magaalo Xeebeedda Berbera wa magaalo aan lahayn booyado biyo u shuba xaafadaha iyo biyoole yaal midna waana Magaalo xeeb ah oo marasta kulayl ah isla markaana aan marnaba xamilayn inay biyo waydo.
Waxaanay ugu biyo isticmaal.badan tahay xilliga mooshinka Xajka oo malaayiin xoolo ah oo ka dhoofaya marsada Berbera maalmo.na ku jiraya Maxjaradu ay u baahan yihiin biyo aan xad lahayn maadaama xoolaha oo deegaano ka cimilo qabaw Berbera kulaylka ay joogaan awgeed ay u baahanayaan biyo aad u badan.
Wakaaladda Biyaha Berbera oo uu gadhwadeen u yahay maareeye Khadar iyo shaqaalihiisu waxay hanteen in ay dad iyo xooloba waraabiyaan oo aan daqiiqad keliya biyo la waayin iyagoo shaqeeya saacado aad u badan isla markaana 24 saacadood ee walhtigaba aad arkayso shaqaale iyo madaxda wakaalad oo shaqo ku jira hadba inta ay is bedelaan.
Wakaaladda Biyaha Berbera waxay suura gelisay xagaagan oo cimiladu aad u kulushahay isla markaana ay Berbera noqon jirtay xilliga ay ugu biyo yar tahay in taas ay meesha ka saraan oo xagaagan ay noqotay Berbera magaaalo haysata biyo haqab la.aan ah.
Waxaana qorshaysan in la sii ballaadhiyo biyaha Berbera