Hargeysa(Xogsoornews.com):- Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland,ayaa digniin.adag u diray Xukuumadda Somaliland iyo Xisbigeeda Kulmiye
Guddoomiyaha Komishanka Qaranka Muuse Xasaan oo maanta warbaahinta la hadlay,ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasiirro aanu magacaabin in ay ka hadlaan arrimaha doorashoiyinka iyo shaqada Komishanka isla markaana ay faro galinayaan arrimaha shaqada komishanka.waxaanu Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye uga digeen in ay ka waantoobaan shaqada gudida doorashooyinka.
Waxaanu Guddoomiye Muuse Caddeeyay in Gudida doorashooyinka Somaliland shaqadooda u madaxbanaan yihiin isla markaana cid kasta oo faro galisa shaqada komishanka in ay shariga la tiigsan doonaan.
Haddaba hadalka Guddoomiyaha halkan ka daawo