Hargeysa(Xogsoornews.com):- Guddoomiyaha Urursiyaasadeedka Talo-wadaag Ibraahin Mahdi Buubaa,ayaa ka hadlay ka urur ahaan in ay diyaar u yihiin in ay qabyaalada la dagaalamaan isla markaana ay labaabka u furayaan dhalinyarada siyaasadda laga hor joogay ee ah laxaadka bulshada oo uu caddeeyay in ay ururkiisa qayb ka yihiin.
Waxaa kale oo uu sheegay in qorshaha siyaasadeed ee ay umada usoo bandhigayaan in uu yahay mid cad oo la mid ah ka asxaabta caalamka isla markaana bulshaduna u siman tahay.
waxaanu intaa ku daray in loo baahan yahay in dalka Isbedel yimaado oo umadu ay soo doorato cidda au u aragto in uu ka saari karo marxalada lagu jiro.
waxaa kale oo uu labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI ku dhaliilay in ay qabyaalad ku ololeeyaan isla markaana labada xisbi siday isu eryanayeen in ay qabyaalad isugu jawaabaan.
Haddaba waraysi dhinacyo badan taabanaha oo Guddoomiyaha ururka Talowadaag Mudane Ibraahin Mahdi buubaa uu siiyay telefishanka CBA.
halkan ka daawo