Hargeysa(Xogsoornews.com):- Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa noqotay wasaarad gudatay waajibaadkeedii isla markaana kaalin wayn oo muuqata ka qaadatay horumarka dhaqan dhaqaale ee dalka.
Tan iyo bilawgii Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madsxweyne Muuse Biixi Cabdi ee wasaaradda Isgaadhsiinta loo magacaabay wasiirka Wasaardaas Dr Cabdiwali sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil,waxay noqotay wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland wasaarad u istaagtay gudashada waajibasd keeda markii koobaad ba waxay ku tallaabsatay in wasaaraddu samaysato xeer nidaamiye ay ku shaqayso.
Waxay suura gelisay in xogta dawladdu yeelato xafidaad isla markaana waxay hir gelisay adeegga boosta dawladda.
Mudada uu wasiirka ka yahay Dr Cabdiwali wuxuu hir geliyay in shirkadaha isgaadhsiintu ay wada hadlaan oo bulshadii dhibka ku qabtay simikaadhadhka ay sitaan in ay wada hadli waayaan.
Waxaanu ku guulaystay wasiir Dr Cabdiwali in iyadoo la eegayo danta bulshada in ay shirkaduhu wada hadlaan.
Waxaa kale oo uu ku guulaystay wasaaraddii Isgaadhsiinta ee fadhiidka ahayd in ay kaalinta ugu sarraysa ka gasho dhanka dakhli soo hoynta dawladda.
Waxaa intaa dheer oo uu ku guulaystay Wasir Dr Cabdiwali in ay soo saarto wasaaraddu aqoonyahanno ay bartay aqoonta IT ga oo heer jaamacadeed ah
Waxaana dhawaan qalin jebisay oo ka aflaxday dufcaddii shanaad ee Ict ga wasaaradda ka qalin jebisa.
Waxaa kale oo wasaaraddu bulshada ku hoggaamisay ICT sida uu hormuud ugu yahay maanta dhaqan dhaqaalaha caalamka.
Dhawaan waxaa uu wasiir Dr Cabdiwali safar shaqo uu ku tegay dalka Itoobiya waxaanu kulan muhiim ah la qaatay wasiika dhiggiisa ee dawladda Federaalka Itoobiya.
Waxaa la odhan karaa wasaaradda aisgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland waxay heshay hoggqan himilo fog oo gutay waajibkiiisa