Gassa(Xogsoornews.com):-Dawladda Israa’iil,ayaa maalintii 12 aad wadda weerarka dhanka cirka ah ee ay ku bartilmaameed sanayso shacabka Falastiin.
Duqayntii ugu dambaysay waxay saaka ka geysatay sadex dabaq oo dhaadheer oo ku yaalla magaalada Gassa ee dhan walba ka go.doonsan.
Waxaana daaraha ku sugnaa dad shacab ah oo kusoo qaxay,waxaana duqayntaa daarahaa ku dhintay dad badan oo shacab ah.
Waxaa kale oo ay Yuhuuddu saaka duqaymo ka geysatay ka geysatay isguul ay gacanta ku hayso hay.adda qaramada mudoobay u qaabilsan Falastiin
Waxaana ku geeriyooday duqayntaa dad kale oo shacab ah.
Dhinaca kale Raysalwasaaraha Ingiriiska ayaa socdaal taageero iyo garab istaag ah ku tegay magaalada Talaabiib isla markaana Israaiil ku taageeray xasuuqa dadka shacabka ah ee Falastiin.
Xasuuqa dadka Falastiin,ayaa noqday mid ay isku raacsan yihiin Yuhuudda iyo inta bafan dalalka Reer galbeedka waxaanay reer Galbeedka oo ay ugu horreeyaan Maraykan,Ingiriis,Faransiis,Jarmal iyo dalal kale oo reer Galbeed ahi ay gacan Millatari iyo mid dhaqaale ba isla garab taageen Yuhuudda Falastiijiyiinta Xasuuqaysa.
Dhimaca kale waxaa wali Marinka Rafax ka taagan Go.doomintii ay Dawladda Masar ku xidhay Marinka.
Geesta kale wali lama hayo wax cambaarayn hadal ah ka wayn oo ka soo yeedhay madaxda Dawladaha Muslimka ah.