Mogadisho(Xogsoornews.com):-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Laascaanood ee khaatumo u aqoonsatay maamul.ku meel gaadh ah oo ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya.
Waxaanay si buuxda isu garab taagtay maamulka uu hoggaamiyo Firdhiye
War saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya oo dhawr qodob ka koobnaa ayaa dhinaca ke Somiland iyo Khaatumo loogu baaqay in ay nabad gelyo iyo wada hadal ku dhameeyaan wixii ay kala tabanayaan isla markaana .axaabiista is waydaarsadaan
Go,aanka ka soo baxay dawladda Soomaaliya ayaa noqonaya qodob caqabad ku noqon doona wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.
Dhinaca kale Somaliland oo gobolka Sool uu dhul ahaan ka mid yahay ayaa badhtamihii sannadkan dagaal .muddo socday kaga soo baxday deegaano hoos taga degmada Laascaanood.
Kooxda Khaatumo ayaa gobolka Sool laba degmo oo ka mid ah gacanta ku haysa labadaas degmo oo kala.ah Laascaanood iyo Taleex
Haddaba war saxaafadeedka ka soo baxay Xukuumadda Muqdisho halkan ka daawo.