Gubashada Suuqyada Soomaalida: Duulaan Cadaw Mise Qadar ALLE.?

0
152

Hargeysa(Xogsoornews.com):- muddo sanado ah waxaa soo noq noqonayay gubashada suuqyada Soomaalida Geeska Afrika.

waxaanu inta badan dab gubay oo qasaare hantiyeed oo baaxad wayn uu soo gaadhsiiyay suuqyada Soomaalida Geeska Afrika,waxaana dabka ka kacay suuqyada Soomaalida ugu baaxad waynaa dabkii  uu ku basbeelay suuqa ugu wayn Somaliland ee Waaheen oo hantitii taallay iyo bino ba ay shuf beeshay.

waaxaa kale oo  gubtay suuqyada Geerisa Kenya,Boosaaso Punland,Bakaaraha Muqdisho,Jigjiga magaalo madaxda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Suuqa magaalo ganacsiyeedka Tog-wajaale oo ku taalla xuduudka Somaliland iyo Itoobiya isla markaana ah suuqii ugu dambeeyay ee Soomaali ay leedahay ee Gubtay.

waxaa u dabku suuqyda Soomaalid aka wada kacay oo ay gubteen suuqyadaa aan kor ku soo xusnyay dhammaantood xilli habeenimo ah oo waliba ah xiliiga laga rawaxo meheradaha ee ay xidhan yihiin waa inta u dhaxaysa siddeedda illaa sagaalka fiidnimo.

 

waxaanu dabku ka wada kacay xilliyo isku dhaw dhaw marka haxa wakhtiga laga eego.

habbada waxay is waydiintu tahay Suuqyada Soomaalida ma duulaan cadaw oo ku soo duulay ayaa gubaya mise waa Qadar ALLE  iyo masiibo  Rabbaani ah oo aan loo samaysan marka ay timaado wax  lagaga  gaashaanto.

dhammaan magaalooyinka suuqyada Soomaalida ee Gubtay waxay ku yaallaan magaalooyin xasiloon oo dawlado ka jiraan isla markaana nimdaamka dawladnimo ee shaqeeyaa uu yahay mid la isku hallayn karo marka laga reebo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo xilliga suuqa Bakaaruhu uu gubtay ammaan ahaan aanay dawlada Muqdisho gacanta ku wada haynin.

dawladaha Kiniya,Itoobiya Soomaaliya iyo Somaliland oo suuqyada gubtay ee Soomaalidu ay ku yaalleen magaalooyinkooda ayaa la odhan karaa dawlad na si gaar ah warbixin ugama soo saarin sababta dhalisay dabka suugeedu ku gubtay iyo cidda geysatay qasaaraha hantiyeed ee dadkeeda kusoo hoyday.

waxaana intaa dheer wali dawladaha Soomaaliya oo iyo maamul goboleedka Puntland oo heer Federaal ay Xukuumadda Muqdisho dawladda ka tirsan iyo Dawladaha Somaliland,Itoobiya iyo Kiiniya midna baashis lagu ogaaday dhibka dhacay sababta keentay lama wadaagin dadkeeda.

 

Dawladaha Geeska Afrika ee ay ku gubteen Suuqyada Soomaalidu waxaa kale oo ku yaalla marka laga hadlayo Kenya iyo Itooobiya suuqyo kale oo ku yaalla magaalooyinka waawayn ee dalalkaas midna ma guban.

Geesta kale dawladaha suuqyada Soomaalidu ku hoos gubteen midna ma samayn raad raac ay kaga duwan tahay dawladda kale waxaana lagu dhaafay waa Qadar ALLE iyo laydh ayaa loo malaynayaa in dabku  ka dhashay.

Wali la isma waydiin maxaa suuqyada Soomaalida Khamiis,Jimce iyo Sabti gubay isku xilli mara saacadda habeenimo laga eego waliba Jimce soo galayo ama sii baxayo  inta badan.

Dawladaha Somaliland,Soomaaliya,Itoobiya iyo Kenya midna baadhitaan ay samaysay oo hoos ugu daadegay halka dabkaasi ka yimi ma jiro.

Waxaa la is  waydiinayaa oo wali dhegaha shacabka Soomaalida ka guuxaya oo ah Su’aal taagan. yaaguba suuqyada Soomaalida? maxaa dabka habeenimo ka wada dhigay? mee sirdoonkii dawladuhu? maxaa laga bartay gubashada suuqyadii hore?

Iyadoo su’aalahaasi ay wada taagan yihiin ayuu xalayna shuf beelay suuqa magaalo ganacsiyeedka Tog-wajaale uu ku yaallo mid ka mid ah suuqyada ugu waawayn ee Soomaalidu.

 

haddaba Suuqyada Soomaalida gubasahdoodu ma duulaan cadaw  baa mise waa Qadar ALLE oo uu raacay dayac aan loo samaysan marka masiibo RABBAANI ahi ay timaado aan loo samaysan wax lagaga gaashaanto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here