“Markii Xaalada Dalka aynu wax iska Waydiin Waynay Xaaladdiibaa innala Hadashay.”Xildhubaan Laabsaalax

0
187

Hargeysa(Xogsoornews.com):- Xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul(Laabsaalax) oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland isla markaana dooddii mudaneyaasha ee maanta ka.hadlay ayaa sheegay in xildhibaanada golaha wakiadu ka gaabiyeen oo ay ka aamuseen in ay wax iska waydiiyaan xaaladdda dalka isla markaana ay xaaladda lafteedii golaha la.hadashay.

Waxaanu intaa ku daray in Somaliland ay gubteen fayuusyadii isku tanaasulka is maqalku.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in xalka dalku ku jiro doorasho,doorashooyinka oo la is raaciyona ay tahay xalka ugu habboon ee lagaga bixi karo arrimaha murigsan.

Waxaanu soo jeediyay in dib loogu soo celiyo golaha Xeerkii ay Guurtida hore ugu gudbiyeen ee roobka loo dhigay.

Haddaba hadal jeedinta mudane abwaan Laabsaalax halkan ka daawo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here