Caqabadaha iyo Horumarka Saxaafadda, Bandhiggii Weftiga Djibouti iyo Cawayskii Sitaatka ee Maalinka 4aad #hibf2023

0
127

Hargeysa (Xogsoornews.com) – Carwada Caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo ka socota Magaalada Hargeysa, ayaa gashay Maalintii Afraad.

Carwada oo ka socota Xarunta dhaqanka ee Hargeysa isla-markaana Maalin walba si taxane ah Masraxeeda loogu casuumo Dadka Bulshada Magaca ku leh iyo Aqoonyahannada, si loo falanqeeyo Mawduucyada Jadwalka ku jira, ayaa Maanta waxa lagu falanqeeyay Buugaag bulshada muhiim u ah, kuwaasi oo xambaarsan macluumaad kala duwan.

Sidaa awgeed, waxa galabnimadii afraad bandhigga Caalamiga ah ee  Buugaagta Hargeysa  masraxa loogu marti-qaaday Agaasimaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Ismaaciil Axmed Ismaaciil iyo Yaasmiin Cumar oo ah xubin ka tirsan Hay’adda Xuquuqal insaanka, kuwaas oo falanqaynayay Mawduuc lagaga hadlayay Xuquuqda xorriyatul-qawlka iyo Madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland iyo weliba caqabadaha ku gedaaman.

Waxa aad loo lafa-guray caqabadaha haysta warbaahinta iyo nidaamka loola dhaqmo marka, tacaddiyada ay la kulmaan ee xadgudubyada sharci ee lagula kaco Weriyeyaasha iyo Hay’adaha Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo sidoo kale qaladaadka dhankooda ka yimaadda mararka qaar.

Dhibaatooyinka ay Saxaafadda Somaliland la kulanto intooda badan waxay masuuliyiintu ku tilmaameen inay sharci-darro yihiin oo aan qaab sharci loo marin badi marka la xidhayo Weriye, iyadoo sidoo kale Garsoorku dhaawac aan shaqaynayn ka dhigay Xeerka dhaqangalka ah ee Saxaafadda ee Xeer Lamar 27/2004 iyo sidoo kale inay Xukuumaddu weli hortaagan tahay wax ka beddelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerkaas oo muddo laga shaqaynayey.

Waxa kale oo la faahfaahiyay cabsida joogtada ah ee ku xeeran bahda warbaahinta, taas oo marba marka ka dambaysa ay sii kordhayaan xadhigga sharciga baal-marsan ee lagula kaco, iyagoo ku taliyey in caqabadahaas lagaga bixi karo in la meelmariyo xeerka Saxaafadda oo Xukuumadda hor yaal labadii sano ee ugu dambeeyay.

Waxa sidoo kale, gelinkii dambe ee maanta Masraxa beddelay Guddi kale oo ka socotay dalka Jabuuti, guddidaas oo kala ahayd:
Faadumo Cabdi Ciise oo hoggaaminaysay waftiga Jabuuti ee xarunta lagu marti-qaaday, Ambassador Axmed Carayta Cali iyo Cabdiqaadir Iimaan, Ismaaciil Cabdi, iyo Salem Maxamed Saalim oo iyaguna qayb ka ahaa.

Waxaana laga hadlay arrimaha nolosha aasaaska u ah sida nabadda, aqoonta, fanka iyo deegaanka.

Weftiga Jabuuti ayaa ammaan aan tiro lahayn kula dul dhacay Somaliland iyagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin xidhiidhka labada dal, isla-markaana mahadnaq ballaadhan jeediyay iyagoo sheegay in xarunta dhaqanka ee Hargeysa wax badan fududaysay.

Bahda Jabuuti ka socotay ayaa farxad lagu sagootiyay.

Inyar ka dib, waxa Masraxa lagu soo dhaweeyey guddi kala ah; Salma Sheekh, Yaasmiin Cumar Hadraawi, Siena Greenwell, Liibaan Yuusuf iyo Muuna Toosane oo barnaamijka xidhiidhinaysay.

Xubnahan, ayaa si qoto dheer uga hadlay doorka ay Haweenku ku leeyihiin Warbaahinta, iyo siyaabaha kala duwan ee ay wax ugu gudbin karaan bulshada sida arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo qaybaha horumarinta bulshada waxa kale.

Maalintii afraaad ee bandhigga, ayaa jewi qurux badan ku soo idlaatay, halkaas oo caweyskiina bulshadii ka soo qayb gashay lagaga farxiyey suugaantooda mugga iyo miisaanka leh oo Abwaanno kala duwan lagaga waraystay Suugaanta ay curiyeen oo Heeso u badnaa, su’aalo door ahna lagu waydiiyay, iyadoo lagu soo gebogabeeyey Sitaad ay ka heleen Dadweynaha ka qayb-galay qaybtii Cawayska caawa ee maalinta 4-aad ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here