Hargeysa (Xogsoornews.com):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa naqdiyay jadwalka doorashada ee uu soo saaray Guddiga doorashooyinku Somaliland, waxaanu sheegay in xalka Somaliland ku jiro doorashada madaxtooyada oo la qabto.
Faysal Cali Waraabe oo maanta lagu soo dhaweeyey Hargeysa, ayaa la hadlay dadweynaha, waxa uu sheegay in nidaamka Ururrada cusub lagu furay uu yahay mid aan shaqaynayn oo aan la aqbali karin, isaga oo sheegay in anay aqbalayn doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada.
“Maanta ayay u darnaayeen oo waxa ay yidhaahdeen ururo ayaanu samaynaynaa, adduunka ma urur ayaa ka dhaca, waxa la raba in anaga meesha nalaga saaro.” ayuu yidhi Faysal.
Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa, ayuu ku eedeeyay in ay yihiin koox aan cid kale u ogolayn in ay xukunka timaado, waxaanu yidhi; “Waxa caddaatay in kooxdani anay cid kaleba u ogolayn xukunka, sharcigii aynu qoronay meel ayay iska dhigeen walaalayaal.”
Faysal waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ay isku darsatay wax qababad la’aan, xukun jacayl iyo qabyaalad sida uu hadalka u dhigay, isaga oo dhalliilay hay’addaha sharci dajinta sida guurtida oo uu sheegay in ay sharci daro ku joogto.
Waxa uu waxgaradka, ganacsatada iyo culimada Somaliland ugu baaqay in ay u tagaan madaxweynaha isla markaana ay ku qanciyaan in uu ka hor yimaado go’aanka guddida doorashooyinka, isla markaana uu qabto doorasho madaxweyne
Haddaba halkan ka Daawo warka Guddoomìyaha Ucid