SHirkada Dahabshiil Oo 20 Milyan Ugu Deeqday Suuqa Jigjiga Ee Gubtay.

0
106

Hargaysa (Xogsoornews.com):Shirkadda Dahabshiil ayaa 20 million oo Bir ugu deeqday Ganacsatadii ku waxyeeloobay musiibadda dabka ka kacay Suuqa Taywan ee magaaladda Jigjiga.

Shirkadda ayaa sidoo kale khidmad la’aan ka dhigtay Lacagaha tabarucaadka ah ee bulshaddu u soo dirayaan Gudidda Gurmadka Suuqa Taywan, sida uu waarbaahinta usheegay Maamulaha Guud ee shirkada Dahabshiil, Cabdirashiid Maxamed Siciid oo indhihiisa ku soo arkay inta uu leegyahay khasaaraha dabkaasi gaadhsiiyay suuqa Taywan.

‘’waxa aan tasci uga dirayaa shacabka iyo dawlada dhibaatada ka dhalatay dabka baabiiyay suuqa Taywaan ee magaalada Jigjiga, suuqaasi oo ahaa ganacsi dadbadan nolashoodu ku tiirsanayd’’ ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid.

Sidoo kale waxa uu bulshada Somaliyeed usoo jeediyay inay garab istaagaan walaalahooda ay soo gaadhay dhibaatadaasi.

SHirkada Dahabshiil ayaa ah shirkad inta badan caawisa dadka Somaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan soogaadhaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here