Wax Badan Ka Ogow maalqabeennada wadkooda ku iibsaday wax ka badan hal malyan oo Dollar

0
218

W/wararka (Xogsoornews.com):-Waxaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen shan qof oo dalxiiseyaal ah oo la socday doon yar kuwaas oo maalmahan baadi-goob loogu jiray. Waxaa ka mid ah wiil 19 jir ah iyo aabihii oo ka soo jeeda qoys maalqabeenno ah. Haddaba 3 qodob ka ogoow dalxiiseyaashan wadkooda lacagta badan ku iibsaday.

Wiilka uu aabihii ku qalqaaliyay wadka
Suleman Daa’uud, oo la socday aabbihiis Shahzada, oo 19-jir ahaa ayaa eeddadii waxa ay sheegtay in wiilka uu ka walaacnaa inuu raaco markabka quuso si uu u soo arko burburka Titanic.

Iyadoo la hadlaysay warbaahinta NBC News, ayay Azmeh Daawuud, oo ah da’da ka weyn Shahzada, sheegtay in Suleymaan uu u sheegay qof qaraabo ah inuu dareemay ” argagax” la xiriira safarka, laakiin uu doonayo inuu ka farxiyo oo uu qanciyo aabihiis.

Waxay fuuleen markabka Axadii la soo dhaafay, taasoo ahayd maalinta aabbayaasha ee Waqooyiga Ameerika.

Suleman waxaa dhalay Shahzada Dawood, waana wiil 19 jir ah sida laga soo xigtay warbaahinta UK. Waa nin jecel sayniska khayaaliga iyo cayaarta kubadda laliska.

Shahzada Dawood waa 48 jir guddoomiye ku xigeen ka ah shirkadda Dawood Hercules. Waa shirkad wax maalgalisa oo saldhigeedu yahay magaalada Karachi. Shirkadaas waxay ka mid tahay Dawood Group oo ah ganacsi ay qoys leeyihiin. Sidoo kale waa ninka leh dhaxalka qoyska sida laga soo xigtay wargayska New York Times.

Shahzada wuxu deggan yahay UK, wuxuuna la nool yahay xaaskiisa iyo laba carruur ah oo u dhalay. Wuxuu shahadada Master-ka ka haystaa jaamacadda Philadelphia. Wuxuu kaloo shahaado ka haystaa jaamacadda Buckingham University ee UK.

Kharashka dalxiiseyaasha kaga baxay doonta wadkooda sababtay
Doontan waxay ka samaysan tahay dhuun ama tuubo loogu tala galay in ay qaaddo dhowr qof muddo gaaban.
XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS
Doontan waxay ka samaysan tahay dhuun ama tuubo loogu tala galay in ay qaaddo dhowr qof muddo gaaban.

Dhererka Titan wuxuu le’eg yahay 6.7 mitir, ballaciisana waa 2.8 mitir, joogiisana waa 2.5 mitir sida laga soo xigtay shirkadda iska leh ee Ocean gate.

Shirakadda OceanGate oo maamusha doonta ayaa waxay calaa qof ka qaadda 250,000 oo doolar. Wadarta guud ee ay shantan qof ee dalxiise yaasha ah bixyeen ayaa ah “1,250,000” hal milyan laba boqol iyo konton kun oo doolar.

Matoorrada ku xiran doontan oo ah afar matoor waxay siin karaan xawaare gaaraya 5.5 kiloomitir biyaha hoostooda saacadiiba, laakinse dusha sare uma soo saari karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here