Dagaal ka Dhacay Garoowe

0
219

 

Garowe(Xogsoornews.com):- saaka subaxnimadii waxaa ka bilaabmay magaalada Garowe xarunta Maamul goboleedka Soomaaliya ee Garowe Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaradka.

 

 

Dagaalka ayaa bilaabmay markii ay soo baxeen warar sheegaya in baarlamaanka maamul goboleedka Puntand uu bilaabay doodda furista dastuurka, xilli wararka qaar ay sheegayaan in baarlamaanku furay dastuurka.

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka culus, wuxuuna xooggiisu ka dhacaya badhtamaha magaalada gaar ahaan aagga barlamaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada mucaaradku ay duqaynayaan xarunta baarlamaanka, halkaas oo uu baarlamaanku ku sugan yahay, ugana socoto doodda dastuurka.

Waxaa la sheegayaa inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka

Waxay wararka laga helayo Garoowe intaa raacinayaan inay socdaan caawa waan waan laga dhex wado Madaxweyne Dani iyo Mucaaridka oo xal loogu raadinayo lagu soo afrajo xoisadda colaadeed ee Puntland ay gashay

Dagaalka saaka ayaa la sheegay in dadia ku dhintay uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland gaar ahaan taliyihii ilaalada Madaxtooyada ee Qardho

 

Waxaa kale oo wararku intaa raacinayaan in masuuliyadda dagaalka saaka ee Garoowe ay ka dhalatay tallaabo uu qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here