Boorama(Xogsoormedia):- Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Awdal Nuurasiin Cali Miuse Sareeye,ayaa kormeer shaqo ku gaalaa bixiyay dugsiyada lagu qaadayo Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada Afraad ee Dugsiyada sare iyo 8 aad ee dugsiyada dhexe.
Waxaanu Gudoomiye Nuuradiin sheegay in Imtoxaanka shahaadiga ah ee dalka ka socda Gobolka Awdal si wanaagsan uu uga socdo iisla markaana ay sannadkan u fadhisteen Imitoxaanka Shahaadiga ah gobolka Awdal afar kun oo arday oo kala ah 1700 oo fasalka afraad ee dugsiga sare ah iyo 2300 oo fasalka sideedaad ee dugsiyada dhexe ah.
Guddoomiye Nuuradiin oo khadka taleefanka ugu waramay Xogsoornews isagoo ku sugan degmada Qulujeed isla markaana soo maray deegaano badan oo ka baxsan gudaha Magaalada Boorama,ayaa sheegay in gobolka Awdal in si wanaagsan uu uga socdo Imtoxaanka Shahaadiga ahi isla markaana waxaa uu bogaadiyay ardaydu sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen Imtoxaanka waxaanu ardayda gobolka Awdal ee Imtixaanka u fadhiistay,waalidiintooda iyo macalimiinta ba ku ammaanay wakhtiga iyo dedaalka ay soo geliyeen waxbarashada.
Waxaanu intaa raaciyay in uu rejaynayo in imtixaanka shahaadiga ah ee sannadkan in gobolkiisu ku hoggaamin doono kaalmaha hore.