Hargeysa(Xogsoornews.com):: Guud ahaan caalamka Islaamka ayaa Saaka laga oogay salaadda ciidal-guriga.
Kumanaan qof oo saaka ku tukaday salaadda ciidal fidriga garoonka Gurya samo ee caasimadda Hargeysa ayaa waxaa qudbadii munaasibadda Ciidal fidriga ka jeediyay Sheekh Cismaan Laangadhe.
Waxaanu bulshada ku boorriyay in cibaadada ALLE aan laga tegin balse sidii Ramdaanka umaddu u cibaadaysanaysay in ay cibaadada iyo daabacaada RABBI umaddu u joogtayso.
“RABBIGAA RAMADAAANKA OO KALIYA ADDOON uma tihin ALLE inta aad Nooshay xaq ayuu kugu leeyay in aad caabudo.”
Waxaa kale oo uu bulshada ku darsaday is cafinta wax is tarka isago sheekhu ugu dheeraaday xuquuqda jaarku isku leeyay.