Kooxaha Manchester City iyo Inter Milan ayaa usoo gudbay wareegga semi-finalka ama laba dhamaadka tartanka Champions League iyaga oo marxaladdiii siddeed dhamaadka ku reebay Bayern Munich iyo Benfica.
Manchester City ayaa barbarro 1-1 ah lasoo gashay Bayern Munich oo waqti dambe heshay gool rikoodhe ahaa, waxaanay isku-darka labadii lugood ee labada garoon kusoo gudubtay 4-1 maadaama ay cioyaartii hore ee Etihad Staddium ay Bavaria ku tumeen 3-0.
Inter Milan ayaa iyaduna barbarro 3-3 ah garoonkeeda kula gashay kooxda reer Portugal ee Benfica laakiin waxa kusoo shaqaystay garoonkii ay martida ku ahayd toddobaadkii hore, waxaanay isku-darka labada lugood kusoo gudbeen 5-3.
Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa ka faa’iidaysatay mid ka mid ah fursadihii ay hesha, waxaana u dhaliyey Erling Haaland oo qaybtii dambe shabaqa soo taabtay xilli uu difaaca dawakhsan ee Aubamecano uu bixiyey jaanis fiican markii uu siibtay isaga oo isku dayaya inuu difaaca Haaland oo ay isku kaliyeysteen.
Daqiiqaddii 38aad ayaa Manchester CIty
Xogsmoormedia24@gmail.com
Hargeisa Ofice