Muqdisho(Xogsoornews.com):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.ayaa markii ugu hirraysay si ka duwan siday Madaxda Soomaaliya uga hadli jireen ammaanka Soomaaliya uga hadlay isla markaana eedda Qaraxyada ka dhaca Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho ku eedeeyay laamaha.ammaanka.
Waxaanu si cad u sheegay in ciidamada booliska nabad sugidda iyo milatariga qaybo ka mid ahi ay ku lug.leeyihiin soo gudbinta baabuurta qaraxyada ka geysta gudaha caasinadda.
Waxaanu si cad ugu caddeeyyay saraakiilsha ciidanku in ay ku lug leeyihiin baabuurta qaraxyada gaysta soo gudbintiisa.
Waxaanu xusay in baabuurta qaraxyada geysta lagu soo farsameeyo meelo ka baxsan Muqdisho iala markaana ay soo maraan baro kaantarool oo ciidanku joogaan isla markaana ay halkaa soo dhaafiyaan saraakiil.ka tirsan ciidanka ammaanka.
Waa markii ugu horraysay ee madaxweyne xilka haya Soomaaliya uu sidsn uga hadlo qaraxyada iyo gaadiidka geysta isla markaana uu eedeeyo madaxda laamaha ammaanka
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan ka sheegay maanta mar uu ka qayb galay sannad guurada ciidanka booliska Soomaaliya oo maanta ku beegnayd