Hargeysa(Xogsoornews):- Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa mudeeyay qabsoomidda diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasha Somaliland oo uu u asteeyay bishan dabayaaqadeeda.
Waxaanu Xeer Madaxweyne ku meel mariyay diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasah doorashooyinka Somaliland.
Ka dibna waxaa uu shir u qabtay guddida fulinta xisbiga KULMIYE.
Wareegtada Madaxweynuhu ku meel mariyay qabashada diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasha ayaa u dhignayd sidan. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay Lr. 18/122022 uu ku meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-
Xeer Madaxweyne Lr. 18/122022
Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2020;
Markaan Helay: Qoraalka Soo-jeedinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK-6/019/2022, kuna taariikhaysan 07/12/2022, ujeeddadiisuna tahay, Ku-dhawaaqidda Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha;
Markaan Ku-qancay: Soo-jeedinta wakhtiga qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka;
Waxaan Go’aamiyey;
In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku ka-bilaabanto Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022..”
Dhinaca kale waxaa uu isla maanta guddoomiyay shirka billaha ah ee gudida fulinta ee Xisbiga KULMIYE waxaana lagaga wada hadlay sida la sheegay olola wacyi gelinta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.
Hargeysa Ofice