Guddoomiye Waabeeye oo Qaranka ka Tacsiyeeyay Geerida Mujaahid Saleebaan Gaboobe

0
271

Hargeysa(Xogsoornews.com):- Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed,ayaa tacsi u diray qoyska,qaraabada iyo guud ahaan Qaranka Somaliland oo uu ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Mujaahid Saleebaan Gaboobe oo maanta Hargeysa lagu aasay.

Waxaanu Marxuumka ALLE uga baryay in uu u naxariisto oo uu jannooyinkiisa ugu deeqo.

Marxuum Sakeebaan Gaboobe oo  ka mid ahaa mujaahidiintii SNM ee dalkan Somaliland dib u xorayntiisa usoo halgamay ayaa xalay ku geeriyooday Hargeysa maantana lagu aasay Qabuuraha Halleeya,waxaana jinaasaddiisa ka soo qayb galay culimo awdiin madaxdhaqameed iyo dadweyne aad u tiro badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here