Hargeysa(Xogsoornews.com):-m Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cabdilaahi Xuseen Maxamed,ayaa sheegay in ganacsatadii isu xilqaamay isu soo dhawaynta Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ah ee isku maandhaafsan arrimaha doorashooyinka isla markaana ugu dambayn arrintii dhex dhexaadinta ee ay isu xilqaameen sheegay in ay tahay arrin sharci oo u baahan in dhanka Sharciga lagu xalliyo talana ka dhiibtay siday xalka u arkaan,ayuu sheegay in ay ka midyihiin shan xubnood oo ka mid ahaa lixda Xubnood ee ganacsadata ahi xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.
Waxaa kale oo uu ka hadlay war sheegayya in Suldaan la xidhayay in uu u digay iyo qodobo kale.
Wasiir ku xgeenka oo maanta lagu waraystay Barnaamijka la hadal Horyaal ee Horyaal Tv,waraysigiisa oo dhammaystiran halkan ka daawo.
Xogsoornews.com