Hargeysa(Xogsoornews.com):- Guddoomiyaha urursiyaasadeedka Barwaaqo Dr Maxamed Cabdi Gabboose.ayaa si wayn usoo dhaweeyay ansixintii gudida diiwaan gelinta ururada iyo ansixinta asxaabta Qaranka.
Waxaanu iftiimiyay in himilada furista urirada siyaasaddu in aanay ahayn mid imika ku dhalatay balse ay halgan dheer usoo galeen si ay umadu u hesho xaqa dastuuriga ah ee ay u leeyihiin in ay ururo siyaasadeed firtaan isla markaana ay xabsiga madheera u galeen xuquuq dastuurku u damaanad qaaday oo laga hor istaagay.
Waxaanu intaa raaciyay in urur siyaasadeedkoodu aanu ahayn mid qabiil,qof iyo cid gaari ahi leedahay ama cid lid ku ah,balse ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan tartanka doorashada ururada siyaasadda
Dr Gabboose oo maanta warbaahinta kula Hadlay Hargeysa waxaa kale oo uu farriimo u kala diray Madaxweynaha iyo hoggaanka xisbiyada Micaaridka ah.
Haddaba warkass oo muuqaal ah halkan ka daawo.