Burco((Xogsoornews.com):-Guud ahaan Gobolada,degmooyinka iyu tuulooyinka Somaliland oo dhan waxaa laga dareemaya oo ka socda u diyaar garawga maalinta madaxbannaanida iyo qaran nimada Somaliland oo ku beegan 18 May.
Jaamacadda Alpha Burco.ayay maamulka Jaamacadda,Macalimiinta iyo guud ahaan ardayda kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Alpha Burco waxay si wayn ugu diyaar garoobeen ka qayb galka xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18 May ee lagu qabanayo xarunta Gobolka Togdheer ee Burco.
Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha Faraceeda Burco Proff: Cabdiqani Ibraahin Xasan oo u diyaar garawga sannad guurada 31 aad ee maalinta qarannimada Sonaliland Jaamacaddiisa laga darremayay guud ahaan magaalada Burco siday isugu diyaarinayaan ka qayb galka xuska 18 May,ayaa sheegay in xarumaha Waxbarashadu in ay yihiin goobaha waddaniyadda iyo dal jacaylka lagu baro ardayda isla markaana ay ka soo baxaan dhallinaro aqoon iyo cilmina la baray isla markaana dal jacaylka iyo muwaadin nimada qiimeheeda lagu barbaariyay.
Waxaanu intaa raaciyay in Jaamacadda Alpha Faraceeda Burco in ay ka maamul ahaan ardayda Jaamacadda aqoonta ay bartaan in ay u dheer tahay ku barbaarinta waddaniyadda iyo dal jacaylku.
Waxaanu ku dheeraaday sida caalamka jaamacaduhu ay dalalkooda ugu soo saaraan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka oo lagu ababiyay dal jacaylka.
Isagoo Guddoomiye Cabdiqani intaa raaciyay in ay ka go.an tahay Jaamacadda Alpha Burco in ay soo saaraan dhallinyaro aqoon iyo wadddaniyad ba dhisan oo i diyaarsan in ay dalkoooda iyo dadkooda u shaqeeyaan.
Waxaanu intaa ku daray in sababta ay sida wayn ugu diyaar garoobeen ka qayb galka debbaal degga maalinta qarannimada Somaliland ka qayb qaadashadeedu in ay ka mid tahay ku barbaarinta waddaniyadda ardayda ee Jaamacadda Alpha Burco.
Waxaanu sidaa ku sheegay Guddoomiye Proff:Cabdiqani waraysi kooban oo uu siiyay wargeyska Dawan