Xisbiga waddani oo Saxaafada uga Mahad Naqay Waajib ay Guteen

0
381

Hargeysa(Xogsoornews.com): -Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.ayaa saxaafadda Somaliland uga mahad naqay waajib ay guteen.

Munaasibad Afur iyo kulan casho ah oo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI uu u sameeyay Wariyeyaasha kala duwan ee ka hawl gala saxaafadda Somaliland oo uu hadal ka jeediyay Musharaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayuu wariyeyaasha iyo warbaahinta Somaliland uga mahad celiyay doorkii ay wariyeyaasha iyo warbaahintu ay ka qaateen masiibadii dabka suuqa waaheen baabiisay.

Munaasibadda xisbiga waddani kukanka afurka ah kula yeeshay wariyeyaasha ayaa ah kulankii ugu horreeyay ee lagu garto doorka iyo kaalinta ay dalka kaga jiraan iyo siday naf hurka ugu yihiin wariyeyaasha iyo hay.addaha warbaahibtu horumarka qaranka isla markaana ay uga hawl galaan xaaladaha masiibooyinka ah.

Haddaba halkan ka daawo hadalkii musharax Dr Cabdiraxmaan Cirro

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here