Doha(Xogsoornews.com):-Waxa qarka loo saaranyahay isku aadka wareega Group-yada koobka adduunka kaas oo la qaban doono maalinta jimcaha kuna beegan 1 bisha April ee soo socota.
Waxa jira xulal badan oo u soo baxay koobka adduunka iyada oo labadii todobaad ee la soo dhaafay la ciyaaray kulamo xiiso leh oo ka tirsan is reeb-reebka koobka adduunka.
Xulalka qaarada Africa u matali doona koobka adduunka ayaa si Rasmi ah u dhamaystirmay iyada oo xulalka Algeria iyo Masar laga reebay koobka Africa.
Sidoo kale xulalka yurub matli doona koobka adduunka ayaa si Rasmi ah u dhamaystirmay iyada oo xulalka Portugal iyo Poland dhamaystireen xulalka qaarad yurub ee koobka adduunka ka qayb gali doona.
Waxa wali dhiman 5 xul oo la sugayo in ay u soo baxaan koobka adduunka laakiin inta badan xulalka ayaa goostay tigidhkooda koobka adduunka Qatar 2022.
Halkan kaga bogo xulalka sida rasmiga ah ugu Soo Baxay Koobka Adduunka:
Germany
England
Suadi Arabia
Argentine
Belguim
Brazil
Cameroon
Canada
South Korea
Croatia
Denmark
Ecuador
Spain🇪🇸
France
Ghana
Iran
Japan
Morocco
Netherlands
Poland
Portugal
Qatar
Senegal
Serbia🇷🇸
Switzerland
Tunisia
Uruguay
Waqtiyada la ciyaarayo Koobka Adduunka
Kulamada wareegga Group-yada: November 21 illaa December 2
Kulamada wareegga 16ka: 3da illaa 6da December
Kulamada wareegga siddeedda: 9ka illaa 10ka December
Kulamada wareegga Semifinalka: December 13 & 14
Kaalmaha saddexaad iyo afraad: December 17
Finalka: December 18