Hargeysa(Xogsoornews.com):-Sadio Mane ayaa farriin u diray saaxiibkiisa Liverpool ee Mohamed Salah, kaddib markii xulka qaranka Senegal uu Koobka Adduunka ee 2022 ka reebay waddanka Masar, taas oo imanaysa bil iyo dheeraad kaddib markii ay sidan oo kale Senegal rikoodheyaal ugu garaacday Masar finalkii Koobka Qaramada Afrika.
Mane ayaa dhaliyey rikoodhihii ugu dambeeyey ee guusha u go’aamiyey Senegal, una diray Qatar, halka Mohamed Salah uu isagu khasaariyey rikoodhihiisii, taas oo keentay in isaga oo murugaysan uu ka baxo garoonka.
Ciyaarta labada xul ayaa ku dhamaatay barbarro 1-1 ah marka la isku daro labadii lugood, waxaana loo dhigay rikoodheyaal markii la laadayey ay taageereyaasha Senegal laysar indhaha kaga qabteen ciyaartoyda Masar.
Mohamed Salah ayay ciidamada amaanka ee garoonka joogay si degdeg ah u geliyeen qolka labbiska markii ay ciyaartu dhamaatay maadamaa ay jamaahiirta Senegal shiidayeen ciyaartoyda Masar.
Sadio Mane ayaa kaddib guushii xulkiisa, waxa wax laga weydiiyey in laba jeer ay rikoodheyaal ku garaaceen Senegal, waxaana si gaar ah loo su’aalay farriinta uu u diri lahaa xiddiga ay Liverpool u wada ciyaaraan ee Mohamed Salah, waxaanu ku jawaabay: “Laba jeer ayaan guuleystay, isaguna laba jeer ayuu guul-darraysatay. Aniga ayaa ka nasiib badan, kana badiyey.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aanu ku guuleysanay Koobka Qaramada Afrika, haddana aanu usoo gudubnay Koobka Adduunka, waa riyo aan lahaa.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxa aan rumaysanahay inay labada kooxoodba ku ahayd ciyaar adag. Taageereyaasha ayaa nagu riixay guusha, mana aanaan joojin dagaalka. Waanu garanaynay in aanay ciyaartu noqonayn mid fudud, waxaananu saarnay cadaadis si aanu gool u dhalino.”
Salah iyo Mane ayaa dib ugu laabanaya kooxdooda Liverpool, waxaanay maalinta Sabtida la ciyaari doonaan Watford
Hargeisa Ofice