Sheekh Aadan Sunne oo ka Hadlay ku Biiristiisa Al-Shabaab

0
349

Hargeysa(Xogsoornews.com):-Sheekh Aadan Cabdiraxmaan(Aadan Sunne) oo ka.mid aha culimada waawayn ee Somaliland.ayaa dhawaan Hargeysa laga waayay isaga iyo dhamaan qoyskiisa.

Waayitaanka Sheekh Aadan iyo qoyskiisa oo hadal hayn badan ka dhalisay guud ahaan Somaliland gaar ahaan Caasimadda Hargeysa isla markaana Xukuumadda Somaliland maalmo.kooban markii uu maqnaa ay ka hadashay sheegtaynaa in uu dalka ka guuray kuna biiray qaar ka mid ah kooxaha ka dagaalama Soomaaliya,ayaa markii ugu horaysay maanta ka hadlay halka uu joogo.

Sheekh Aadan Sunne oo maanta waraysi siiyay BBC-Somali,ayaa sheegay in uu ku biiray kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sababta uu uga tegay Hargeysa iyo siduu ugu biiray kooxda Al-Shabaab.

“Magaalada Hargeysa waxaan uga soo baxay aniga oo reerkeygii wata in waddankii aan ku dhashay oo aan ka ahaa nin culimo ah oo ku howlan dacwada Islaamka iyo tarbiyada Islaamka ay igu timid carqalad xooggan oo ku wajahan howlsheyda, taasoo kaga timid nidaamka ka jira meesha,” ayuu yidhi.

Sheekh Aadan Suna ayaa BBC-da u sheegay in uu hadda ku sugan yahay meelaha ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.

“Hadda waxaan joogaa meel ka mid ah dalkeygii Soomaaliya, gaar ahaanna ku suntan qaybaha wilaayaadka Islaamka ay gacanta ku hayaan. Waxaan dhex mushaaxayaa wilaayaadka 11-ka ah ee ay gacanta ku hayaan xaradaha Shabaab,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here