“Sonyo Maalin Sacab la Tumo Looma Aasaasin.” Maamule Xaamud

0
815

Hargeysa(Xogsoornews.com):-Maamulaha galinka Dambe ee Dugsiga Hoose/dhex ee Gurya Smao ee caasimadda Hargeysa Xaamud Cabdi Cabdilaahi,ayaa dhaliilay sida uu u shaqeeyo ururka Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo uu sheegay in uu xilligan ururku yahay mid fadhiid ah oo magic u yaal keliya ah isla markaana maraya xilligii uu dhana dhaqaalaha ugu wanaagsanaa ee uu wax badan qaban kari lahaa.

 

Maaamule Xaamud ayaa ka hadlay duruufihii adkaa iyo wax hayn la,aantiii ay ku bilaabeen aasaaska ururka Sonyo isaga iyo xubno uu ka mid yahay iyo shaqasiyaadkii gacanta ugu horraysa u fidiyay.

Waxaanu intaa raaciyay in bilawgii hore ee riyadooda ahayd in la aasaaso urur ay leeyihiin dhallinyarada Somaliland in ay dad badan layaab ku ahayn loona arkayay shaqsiyaad hammi beena ku hawshoonaya.

 

Waxaanu sidaa ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyay Xogsoormedia “Waxaa ururka Sonyo fikirkiisa iyo hirgelintisaba u kacay oo duruufo adag iyo wax aan jirin abuuristiisa u kacay oo maqaaxi ku kukan iyo maqsin raadin ka bilaabay xubno aan imika ka xusi karo .Xaamud Cabdi Cabdilahi Xuseen Faarax Odowaa,Cabdicasiis Himilo,Cabdiraxmaan Maxamuud Guun  Iyo inanta kaliye ee noo adkaysatay  Saynab Maxamed Xaashi..marxalado badan ayuu nala soo.maray in aanu unugni ama yagleelo ururka dhalinyarada Somaliland oo.aanu ka dhex bilaabaynay dal markaas dagaalo sokeeye kasoo baxay oo bulshadiisu aanay u bislayn samaynta ururada bulshada iyo wax wada yeelashada laakiin habka qabiilka oo keliya wax ku.wada.leh isla .arkaana dhallinyaradiisu ahayd mid.aan meelna lagu xusin inta waxbarashada u dareerta ay kooban tahay.isla markaana inta shaqaysa…

Waxaan xusi karaa oo kaalin wayn oo taakulo ah na siisay oo si wayn noi dhiiri gelisay.Marwo Faadumo Siciid.oo.xiligaa madax ka ahayd UNDP.waxaa kale oo taagero garab istaag aanu kala kulanay Marwo Drs Edna Adan oo marka ahayd wasirka arrimha dibeda

Markaanu ku gulaysanay isu kenisti. Dhalinyarada waxaanu xafladii k9obad ee loogu aqoonsaday.maalinya dhalinyarada Somaliland aanu xafladii..isu so baxa ku qabanay fagaaraha Khayriyada  Hargeysa 2004 kii 22 febwari waana maalinta.Madaxweynihij sadexaad ee Somaliland Daahir Rayaale uu u aqoonsaday maalinta dhalinyarada Somaliland

Bilawgiba waxaa noo suura gashay horta in aanu dhalinyarada waxbarasho u raadino oo ardayda ka.baxday dugsiyada sare een awoodin in ay jaamacad galaan waxaanu Jaamacadda Cammuud waydisanay in ay urur ahaan noo siiyaan deeq waxbarasho

 

Waxaa.bilaabmay ururo dhalinyaro oo ka farcanat dalada dhalinyarada somaliland ee Sonyo

Laakiin Sonyadii yoolka lahayd ee dhallinyarada Sonaliland u adeegaysay waxaa ugu dambaysay ama  ay hawl gab noqotay markii ay hanti yelatay ee ay hoy xarun u ah qaranku u dhisay ee akoon madaxweyne sameeyay lacagi ugu dhacday.. hadda waa markii la rabay in ay jaamacadaha  dalka oo dhan kaaalmo waxbarasho ardyada aan dhaqaale ahan awodin ugu doonto.waa markii la rabay in ay ka hor tagto wax kasta oo dhallinyarada lagu kala qaybinayo.waa markii la rabay in ay shirkadaha iyo hay.adda dalka ku sugan in ay dhalinyarada wax baratay shaqo uga doonto .waa markii la rabay in ay maal gelin iyo shaqo abuur habka shuraakada ah dhalinyarada u abuurto oo dhawr qofba hal shaqo u wada abuurto iyadoo la kaashanaysa.dawlada ganacsatada iyo hay.adaha

Maanta waxaa Sonyo looga fadhiyay in ay ka qayb qaadato gurmadka samato bixinta dadka abaaruhu saameeyeen oo ay dhankeeda uga gurmato dhallinyada xoolihii qoysaskooda ka bexeen oo ay gacan u fidiso,waxaa kale oo looga baahnaa in ay dhallinyada darbi jiifka ah ee dooxyda magaalooyinka dalka ku tabaalaysan ay nolol u raadiso oo ay hay’addaha iyo dawladdaba u dhex gasho oo ay kaalintii loo abuuray ee daryeelka dhallinyada Somaliland in ay u guntato oo aanay noqon xafiis Hargeysa ku yaalla iyo magac lacag lagu hlo oo qudha.

Laakiin xuska maalin maalintii dhalinyarada Somaliland loo aqoonsaday. Laga soo qadimay u sacab tunkeeda Sonyo loogama fadhiyo wqxaana leeyahay hoggaanka imika joiga ama wixii.Sonyo aanu u abuurnay ku shaqeeya ama gacan ka dhabaysa himilada dhalinyarada Somaliland ku wareejiya

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Ofice

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here