Hargeysa -(Xogsoornews.com)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi u daah-furay nidaam cusub oo hab casri ah loogu hubinayo saxnaanshaha codbixiyayaasha ka qaybgalaya doorashooyinka soo socda.
Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey daah-furka barnaamijkan cusub oo la yidhaa Biometric Voter Verification System, isla markaana dawladda Taiwan ku caawisay Somaliland, ayaa lagu qabtay caasimadda Hargeysa maanta.
Munaasibadda daah-furka nidaamka cusub ee loo adeegsan doono hubinta dadka codbixiyayaasha ah oo ay ka qaybgaleen dhammaan daneeyeyaasha kala duwan ee doorashooyinka Somaliland, waxa intii xafladdu socotay lagu tijaabiyey qaabka uu nidaamkani u shaqaynayo.
Nidaamkan cusub waxa uu kor u sii qaadi doonaa daahfurnaanta hannaanka doorashooyinka, iyada oo codbixiyayaasha la sugay xogtooda oo qudha ay codkooda dhiiban doonaan.
Mashruucan waxa Somaliland ka taageeray dawladda Taiwan.
Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa sidoo kale dedaal ugu jira casriyaynta iyo horumarinta nidaamka loo maamulo doorashooyinka Somaliland.
Doorasho si wanaagsan loo maamulay, ayaa horseedi karta nidaam doorasho oo xor iyo xalaal ah iyo mid maamul oo si nabadgalyo ah la isugu wareejiyo
Hargeisa Ofice