Hargeysa (Xogsoornews.com-)-Guddoomiyaha Urursiyaasadeedka HORSEED Cabdilaahi Xuseen Iimaan Dirawal oo dhawaan urursiyaasadeed uu guddoomiye u yahay Hargeysa kaga dhawaaqay,ayaa ka hadlay hankiisa siyaasadeed.
Waxaanu sheegay in muddo badan ka hor uu galay hanka hoggaaminta siyaasadda dalku balse uu sugayay xilliga uu jaanis u helayo.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyhaya urur siyaasadeedk horsed,ayaa u dhignaa sidan. “Ugu horreyn, waxa mahad leh Ilaaha innagu simay nabbada iyo xornimada Somaliland ka jirta, waxaanan Alle waydiisanaynaa inuu innaga soo jebiyo abaaraha dalka ka jira.
Waxa aan fursaddan uga faa’iidaysanayaa inaan ammaan iyo bogaadin u diro cid kasta oo illaalinaysa xeerarka dalka u yaala, ha noqoto masuuliyiinta saddexda dhardhaar ee xukuumadda iyo madaxda saddexda xisbi qaran ee hadda jira oo dhammaantood soo dhaweeyay xeerka furitaanka xisbiyada ee waajibka ah,
Mudanayaal iyo Marwooyin, maanta (17 February 2022) waxa aynu madashan isugu nimi in aynu gudano waajib innaga saaran diinteena, dalkeena iyo dadkeena, innaga oo u marayna dariiq waafaqsan xeerarka dalka. Waajibka aynu halkan u fadhinaa waa inaynu masuuliyad iska saarno wanaaga dalkeena iyo waxtarka jiilasheena soo socda si aynu ugu samayno mustaqbal ka wanaagsan ka aynu maanta ku jirno haddii alle idmo. Dariiqa aynu hadafkeena muqadaska ah u maraynaa waa dariiqa nabbada, talo-wadaaga, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan, waxaan jecelahay inaan dul istaago sababta keliftay inaan ururkan aasaasno ama sababta ay Somaliland ugu baahan tahay dhiig cusub.”
Guddoomiyaha Ururka cusub ee HORSEED ayaa soo bandhigay sababta ku dhiirigelisay tallaabadan lagu shaaciyey Urur-siyaasadeedkan, waxaannu yidhi;
.Sababta ugu horraysaa ee dhiirigalinaysa furitaanka ururkani waa sida xeerarku dhigayaan ee ah in la gaadhay waqtigii 10-ka sanno ee waajibka ahayd in la furo ururo siyaasadeed oo cusub, si aanay tallada dalku kooto ugu noqon koox gaara ah.
Sababta labaad ee aasaaska urrurkani waxa weeye in xisbiyadeenii hore ay noqdeen qaar ku dhisan siyaasad xulafaysi reereed iyo gobolaysi aan Somaliland u wadin dariiq badhaadhe leh, balse ku hagi karta qaran-jab iyo is nacayb dadka walaalaha ah ee dalkan wada leh.
Xisbiyadeenii hore waxay noqdeen qaar aan shacabka cod ku waydiisan qorshayaal cad oo ay fulin doonaan. Waxay noqdeen qaar qayladoodaa, is qabqabsigooda, doodooda iyo dagaalkoodu uu salka ku hayo kaliya wax la xidhiidha doorasho oo aan waligood isku qabsanin, kana talin baahiyaha bulshada ee jira sida abaaraha, sicir-bararka, caafimaad darrada iwm.
Haddii aad u fiirsato hannaanka ay xisbiyadeena hadda jiraa hoggaankooda u doortaan, waxaad arkaysaa inuu yahay nidaam baal marsan wada-lahaansha, waddaniyadda iyo dimuqraadiyadda. Waa nidaam kali-talisnimo oo aan oggolayn isla xisaabtan iyo tartan daah-furan oo hogaanka xisbiga loo galo. Isku soo wada duub oo xisbiyadeenii hore waxay iskugu biyo shubteen xisbiyo ku astaysan qabyaalad iyo qoqob, aragti gaabni iyo bilaa qorshe, kali-talisnimo iyo meherado ragg gaar ahi leeyihiin.
Sidaas darteed, waxa lama huraan ah in la helo xisbiyo siyaasadeed oo leh aragti mustaqbal oo fog, qorshayaal cad, nidaam tallo wadag, iyo taageero shacab oo ku salaysan midnimo bulsho.
Ururkani isagoo maanka ku haya baahiyaha bulshada, doonitaanka bulshada iyo samo ka talinta Somaliland wuxuu yeelan doonaa qorshayaal cad oo ku salaysan xog ururin sugan iyo ka tallo galinta dhamaan qaybaha bulshada.
Marka aan intaa kaga yimaaddo baahida kaliftay in aan ururkan furno, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “NINKAAD KABO KA TOLANAYSID KABIHIISAA LA EEGAA!!”
Markaa waxaan jecelahay in aan taariikhdayda si kooban u dul maro, xubnaha kale ee ururkana sidooda ayaad u baran doontaan oo waa ragga dalkan iyo dadkan wax badan soo gashaday iyo dhallinyaro u heelan inay kaalintooda ka qaataan horumarinta dalkooda.
Magacaygu waa Cabdillaahi Xuseen Iimaan, waxaa sharaf ii ah in aan muddo dheer dadkayga ugu soo adeegay hagarli’, naf hur iyo daacadnimo, waxaan nasiib u yeeshay in aan kaalintayda ka qaato laba halgan oo shacabkani soo galay. Halganka koowaad ee aan nasiibka u yeeshay waa halgankii lagula jiray nidaamkii kaligii-taliska ahaa ee kacaanka oo Soomaalidu meel kasta oo ay joogtaba burbur laxaad leh gaadhsiiyay.
Halganka labaadna waa halgankii dhismaha salka dawladnimada Somaliland oo aan qayb ka ahaa shakhsiyaadkii dhidibada u taagay nidaamka dawladnimo iyo astaamaha qarankani ku faano ilaa xilligii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Ilaahay ha u naxariisree. Waqtigaa aan Wasiirka ahaa ee aan bulshadayda u adeegayay waxa uu Alle nagu guuleeyay hawlo badan oo kaalin wayn ka galay dhismaha dalka. Waxa kale oo jiray hawlo badan oo qabyo nagaga noqday duruufihii waqtigaa jiray iyo waaqicii siyaasadeed ee dalka iyo dunidaba.
Haddaba, maadaama oo aan qayb ka ahaa aasaaskii dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland oo aan xog ogaal u ahay wax badan, maadaama aan waayo-arag u ahay baahiyaha shacabkayga, waxa aan go’aansaday inaan halgan saddexaad u galo in aan shacabkayga hormood ugu noqdo horumar ku dhisan Somaliland loo siman yahay, siyaasad dhalanteed ka madhan, iyo isla xisaabtan aan naftayda iyo inta ugu dhaw ka bilaabo.
Hankayga madaxwaynenimo maaha mid maanta igu soo dagay ee waa mid qaangaadh ah oo sugayay waqtiga uu dastuurku jidaynayo. Hankayga waxaan shaaciyay 2012-kii, nasiib-darro xisbigii UDUB ee aan ka tirsanaa ayaa caqabad ku noqday in aan ka midho-dhaliyo, maadaama aan hogaankii xisbiga si daahfuran loogu tartamin. Waqtigaa kadib, hankaygii waan la gaabsaday, aniga oo ixtiraamaya xeerarka dalka ee dhigaya in 10k-ii sannaba hal mar urruro la furan karo.
Sababta aan ilaa 2012-kii xisbi u geli waayay waa sababihii aan hore u soo sheegay ee ahaa in aan xisbiyada hadda jiraa ay iskugu biyo shubteen xisbiyo isku wada mid ah oo aan lahayn aragti fog iyo tudhaale shacab.
Ururka HORSEED waa urrur bulsho oo u baahan taageerada iyo tallada inta samaha jecel ee badan. Insha Allaah waa urur hoy u noqon doona inta jecel midnimada Somaliland iyo horumarkeeda, inta jecel badhaadhaha dalkeena iyo dalalka deriskeenaba, waxa aannu idiin ballanqaadaynaa siyaasadda aan ahayn hadal badan oo macaan iyo bilaa waxqabad, siyaaasadda aan ahayn aamusnaan badan iyo danaysi siyaasadeed, siyaasadda aan ku dhisnayn muran iyo mushkilad-abuur.
Waxa aanu idin ballanqaadaynaa siyaasad ku dhisan hadal yar iyo hawl badan, qorshe cad iyo siyaasado casri ah, tallo wadaag shacab iyo cudud dhalinyaro, waxaanu idiin balanqaadaynaa ixtiraamka sharciga dalka iyo qiyamka bulshada,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka cusub ee HORSEED Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal).
Hargeisa Somaliland