Taliska Booliska Somaliland oo ka Digay Muddaharaad Xildhibaan ku Baaqay

0
370

Hargeysa(Xogsoornews.com):- Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in aanu jirin wax muddaharaad ah oo beri la isugu soo bixi karo caasimadda Hargeysa.

Tali ku xigeenka koobaad ee ciidanka booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Mire oo caawa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muddaharaadka xildhibaanku ku baaqay in uu yahay mid sharci darro ah oo aan wax fasax ah haysan isla markaana aanu dhici karin muddaharaad aan sharciyadda loo marin.

Muddaharaadka Taliska boolisku joojiyay ayuu maanka ku baaqay in ay bulshadu isugu soo baxdo Xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiilada kaas oo uu ku sheegay in Bulshadu ay kaga hadasho kor u kaca maceeshada iyo Sicir bararka

haddaba hadalka taliye Cabdi Xasan oo muuqaal ah halkan ka daawo.

 

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Ofice

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here