Beesha Caalamka iyo Somaliland oo ka Wada Hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo Dimuquraadiyadda

0
417

 

Hargeysa-(Xogsoornews.com)-Beesha Caalamka iyo Somaliland,ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka la filayo in ay sannadkan dabayaaqadiisa ka qabsoomaan Somaliland.

Wefti ballaadhan oo ka socda Beesha caalamka oo so gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargeysa,ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland.

 

Kulanka dhex maray safiirada ka socday Beesha caalamka iyo Madaxweynaha Somaliland,ayaa arrimaha lagaga wada hadlay waxaa war qoraal ah ka soo saartay Madaxtooyada Somaliland.

War-saxaafadeedka ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa u dhignaa sidan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta  xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo ay ka mid yihiin safiirrada dalalka Norway, Sweden, Finland, Denmark iyo Midowga Yurub iyo madaxa xafiiska Ingiriisku ku leeyahay Hargeysa oo ay weheliyaan masuuliyiin sarsare oo ka socda safaaradda Jarmalka iyo xafiiska horumarinta ee UK.

 

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland, xaaladda abaareed ee dalka ku sii baahaysa, Qorshaha Horumarinta Qaranka ee saddexaad (NDPIII), iyo doorka beesha caalamku ka geysan karaan fulinta qorshahaasi, arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika iyo kaalinta Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay.

 

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo wadashaqayn in sannadkani lagu hawl-galo lana dardar-geliyo hawluhu siday u kala muhiimsan yihiin una kala mudan yihiin.

Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta maaliyada, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo Safiirka Somaliland ee Kenya.”

 

 

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Ofice

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here