Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta oo Heshiis wada Jir ah Galay

0
346

Hargeysa-(Xogsoornews.com)-Xukuumadda Somaliland shirkadaha  bixiya adeegga Isgaadhsiinta ayaa manta kala saxeexday heshiis ay ku wadaagayaan Xadhiga Faiberka ee dhulka hoostiisa mara.

Ka dib kulan ay manta madaxda sadexda shirkadood ee SOMTEL,TELESOM iyo SOMCABLE,ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Kulankaas,ayaa markii uu soo dhammaaaday waxaa lagaga hadlay waxaa war-saxaafadeed ka soo saartay Madaxtooyada.

War-saxaafadeedka laga soo saaray Madaxtooyada Somaliland,ayaa u dhignaa sidan.

“ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08,02,2022 qasriga madaxtooyada, ku qaabiley madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay ee isgaadhsiinta oo uu heshiis guul ku soo dhammaaday dhexmaray dawlada Jamhuuriyadda Somaliland.

Heshiiskan oo nuxurkiisu yahay in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ah hanti qaran. Xadhigaas oo ay wada yeelan doonaan Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay heshiishka ku matalayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland iyo saddexda shirkadood ee kala ah:

  1. SOMCABLE oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Geeddi.
  2. SOMTEL oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Ducaale.
  3. TELESOM oo uu metelayey Ganacsade Cabdikariim Maxammed Iid.
  4. Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo uu u saxeexay Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku bogaadiyey heshiiska taariikhiga ah ee dhexmaray shirkadaha iyo Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland ee ku qotoma Isfahanka iyo wada-shaqaynta, Isaga oo madaxwaynuhu uga mahadceliyey shirkadaha dalka maalgashaday iyo doorka ay ugu fadhiyaan qaranka oo ah mid lama illaawaan ah.

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Ofice

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here