Deg Deg: Madax dhaqameedka Beelaha Jaarso oo Eedaymo ujeediyay Madaxweyne Cagjar

0
397

 

Hargeysa(Xogsoornews.com):- Madax dhaqameedka beelaha Jaarso, oo cabasho ka muujiyay maamulka madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, kuna eedeeyay kala jeclaysi beelaha dega degmada Tuli Guuleed, isla markaana sheegay in beelaha Jaarso la faquuqay lagana saaray degaanka, la isuguna daray degaan ka saarid iyo barakicin.

Sidoo kale waxa odayaashu ay ku eedeeyeen in tallaabooyinka ay qayb ka tahay xukuumadda madaxweyne Cagjar, lana safan tahay beel beesha ku soo duushay.
Madaxweyne Cagjar ayay ugu baaqeen in uu cadaalad sameeyo, una sinaadaan guud ahaan beelaha dega DDS.
Caaqil Abiib Xasan Libaax, Suldaan Haaruun Sheekh Muxumed Cismaan, Ugaas Cabdi Xasan Muxumed, suldaan Abshir Xasan Cali, madax dhaqameedkan ayaa goor dhaweyd kula hadlay magaalada Hargeysa.

 

 

 

 

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here