Raysalwasaaraha Soomaaliya oo Wada Qorshe uu Kula Wareegayo Maamulka Awoodda Ciidanka

0
291

 

 

 Muqdisho (Xogsoornews.com) – Shirka golaha wadatashiga qaran oo socda maalintii afraad, ayaa xogaha laga helayo waxay sheegayaan in madaxdu isku khilaafsan yihiin cidda looga dambeynayo masuuliyadda hoggaaminta amniga iyo amarka ugu dambeeya ee ay ku hawl gelayaan taliyeyaasha ciidamadu.

Raysalwasaaraha Soomaaliya  Rooble,ayaa miiska soo dhigay qorshe uu doonayo in amniga dalka looga dambeeyo isla markaana uu lahaado amarka ugu dambeeya ee ciidanada kala duwan ee Soomaaliya.

 

Isla markaana la hoos keeno howlaha amniga uuna noqdo qofka ay hoos imaamanayaan taliyayaasha ciidamada inta lagu jiro howlaha doorashada.

Qaar katirsan madaxweynayaasha dowlad gooleedyada ayaa raysal Wasaaraha ku taageersan qorshahan, halka kuwa kalena ay ka biyo diideen, iyagoo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu yahay taliyaha ciiddamada qalabka sida, isagana uu masuul ka yahay amniga dalka.

Qodobkaan ayaa caqabad ku noqday horusocodka shirka, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaaan in madaxweynayaasha qeybtood ku hanjabayaan in ay shirka isaga baxayaan , taasoo fashil ku keeni karta shirka.

Xogo aan helayno shirka waxay sheegayan in raysal wasaare Rooble uu sheegay in daahfurnaanta doorashada ay caqabad ku tahay amniga oo aan gacantiisa ku jirin.

Wuxuu sheegay mar haddii saraakiisha ciiddanku ay amar ka qaadanayaan madaxtooyada Soomaaliya ay adag tahay in xal laga gaaro arrimaha amniga ee doorashada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here